Soomaaliya: Taliyaha Ciidanka Lugta oo booqday Furimaha Dagaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, isaga oo wehliyanayaan qaar ka mid ah saraakiisha CXD.

Gen. Axmed Aadan ayaa bogaadiyay dadaalka ay bixiyeen ciidamada ku sugan Galcad iyo guulaha ay ka gaareen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida ay ugu diyaar-garoobeen wejiga 2aad ee howlgalka.

Ciidanka Xoogga dalka oo ay hormuud u yihiin ciidamada Danab, ayaa sidoo kale burburiyey goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Qoraal ay baraha Bulshada ku daabaaceen xafiiska warfaafinta ee Wadaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu yiri: "Go'aankeeni ku addan ilaalinta amniga qaranka, waa mid aan leexleexad lahayn. Ciidamadeenuna waxay sii wadi doonaan guulaha oo aan mar walba ku faanno."

Maalmihii la soo dhaafay, CXD oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta ee Galmudug ayaa dhaqdhaqaayo ka sameyneeye gobolladda Mudug iyo Galgaduud, iyaga oo ku wajahan deegano ay ku sugn yihiin Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Maclin Fiqi ayaa cadeeyey in Dawladda Federaalka ay ciidamo dheeri ah u dirtay Galmudug, isaga oo sheegay in wajiga 2aad lagu xoreyn doonno deeganada ka harsan maamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM