Tijaabadii maka gudubtay xukuumadda Xamse 100 maalmood kadib?

Image
Arrimaha amniga oo ah kuwa ugu muhiimsan dalka ayaa waxaa gebi ahaanba hadda laga maamulaa xafiiska madaxweynaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta ku beegan boqol maalmood kadib markii lasoo dhisay xukuumadda Raisulwasaare Xamse Cabdi Bare. Halka ay dabaaldeg u tahay Ra’isulwasaaraha iyo xubnihii wasiiradda, dad badan oo kale waxa ay u tahay marxalad ay ku qiimeeyaan shaqada xukuumadda.

Aroortii maanta markii ay saacadda ahayd 5-tii aroornimo ayaa bogga Facebook ee xafiiska Ra’isulwasaaraha laga badeley sawirkii saarnaa, waxaana la saaray sawir cusub oo uu ka muudqo sawirka ra’isulwasaaraha iyo qoraal tilmaamaya 100-ka maalmood ee xukuumadda.

Waxa uu hordhac u yahay muuqaalo warbaahinta dowladda lagu soo harqin doono maalmaha soo socda oo ka hadlaya waxqabadka xukuumadda ee dhinacyada kala duwan.

Ujeedka ayaa ah in shacabka laga gado farriinta xukuumadda, lana kasbado quluubtooda, iyada oo keliya loo bandhigayo dhanka wanaagsan ee xukuumadda.

Hase yeeshee warbaahinta madaxa banaan, falanqeeyeyaasha siyaasadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah waxa ay diiradda saari doonaan waxyaabihii ka qabsoomay 6-tii tiir ee xukuumadda Ra’isulwasaare Xamse u bandhigtay baarlamaanka maalintii la ansixinayay.

Inkasta oo ay tahay xilli hore oo la qiimeyn karo waxqabadka xukuumadda , haddane boqol maalmood waa xilli ku filan oo lagu ogaan karo jihada ay xukuumadda u wajahantahay.

Ugu yaraan waxaa hadda la sheegi karaa in xukuumadda iyo Ra’isulwasaarahaba ay ku taaganyihiin dariiqii uu madaxweynaha la rabay ugu yaraan, balse lama hubo in dariiqaasi yahay kan saxda ah.

Arrimaha amniga oo ah kuwa ugu muhiimsan dalka ayaa waxaa gebi ahaanba hadda laga maamulaa xafiiska madaxweynaha, iyada oo xafiiska Ra’isulwasaaraha uusan wax badan kala socon hawlaha amniga ee dalka ka socda iyo go’aanada la gaarayo.

Balse waxaa xukuumadda lagu amaanay sidii ay uga jawaabtay qarixii Soobbe iyo sida ay u abaabushay qeybaha kala duwan ee dowladda sidii dadka loo caawin lahaa.

Dhanka siyaasadda, waxa ay xukuumadda aad ugu dedaashay in aysan soo if bixin khilaafaat xooggan , waxaase la arki doonaa qaabka uu baarlamaanka u wajoho la xisaabtanka xukuumadda maadaamaa uu hadda furmay, halkaasna waxaa laga garan doonaa heerka ay tahay xumadda siyaasadda ee dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM