​Soomaaliya: Wariye dhaawac ugu geeriyooday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Wariye Cabdullaahi Cismaan Macallin oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo 10 September, 2017 ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa xalay saq-dhexe ku geeriyooday Cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Geerida Wariyahaasi waxaa xaqiijiyay Maamulka TV-ga iyo qaar kamid ah eheladiisa oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Marxuumka ayaa Caasumadda Soomaaliya la geeyay kadib markii xaalkiisu sii xummaday inkastoo goor hore shalay dhakhaatiirtu sheegeen inaysan waxba ka qaban karin.

Cabdullaahi Cismaan ayaa kamid ahaa wariyaasha Jubbaland TV u jooga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

ALLAH ha u Naxariistee Marxuumkan ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho.

Axadii lasoo dhaafayay ayay ahayd markii ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday Maqaayad ku dhaw Koontaroolka Koowaad ee laga galo Baledweyne, waxaana ku dhintay laba qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 ruux oo ay ku jiraan Wariyaal ka howlgalayay xarumo warbaahineed oo ku yaalla magaaladaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM