Soomaaliya: Xamse oo shir-gudoomiyey Kulan loogu hadlay amniga dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Khamiis ah shir-gudoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo looga hadlayay amniga guud iyo dib-u-habeynta nidaamka dowladnimo ee casirga ah.

Ugu horeyn, goluhu waxa uu dhageystay warbixinno ay soo diyaariyeen xubno ka kala socday Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha, kuwaasi oo ka hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka oo muddooyinkii dambe lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Intaa ka dib, Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay dadaallada dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, iyadoo ay u dheer tahay guulihii ay ciidamadu ka gaareen howlgalladii ay dhawaan ku dileen boqolaal ka tirsan kooxda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale la horkeenay nidaamka maaraynta waxqabadka iyo maareynta adeegga bulshada, kaasoo wax badan ka tari kara isbedellada qeybaha dowladda, sida, maamul wanaagga, iyo hirgelinta istaraatiijiyado Soomaaliya u horseedi kara horumar dhaqan-dhaqaale oo degdeg ah. Sida laga soo wariyey warbaahinta dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka dhigatay mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay mudnaanta siineyso, maadaama ay si toos ah uga shaqeyso maareynta xarumaha ciidamada.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xili kooxda Al-Shabaab ay wajahayaan howlgalo xoogan oo lagu xaqiijinayo amaanka; kaasi oo lagu dilay boqolaal kamid ah dagaalyahanadooda ku sugan gobolada dhexe iyo koofurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM