Soomaaliya: Xukuumadda oo isku diyaarineysa marxaladda deyn cafinta kadib

Image
SAWIRKA: SONNA

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Berri ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada ee maanta, kaas oo looga hadlay sidii dhaqaalaha dalka loo hagi lahaa marxaladda deyn cafinta kadib.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarineed iyo arrimo kale oo la xiriira dhaqaalaha qaranka, sida kordhinta dakhliga iyo maareynta kharashaadka.

Hanaanka deyn cafinta ayaa mareya heer gebogebo ah, waxaana u harsan oo kaliya in Dawladda Soomaaliya ay buuxiso shuruudo dhowr ah oo u baahan in si wadajir ah ay kala shaqeyaan dowlad goboleedyada.

Dhamaystirka hannaanka deyn cafinta ayaa ah mid ka mid ah qodobada mudnaanta u leh Xukuumadda Dan-qaran, iyadoo ay barbar socoto ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

Hadii ay ku guulaysato dadaalkaas, waxay awood u yeelan doontaa inay hesho daymo lagu hirgeliyo mashaariic muhiim u ah degmooyinka kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii dambe bogaadiyay dadaalka ay dowladdu u gashay sidii deymaha looga cafin lahaa dalka, wuxuuna faray Wasaarradaha iyo Hey’adaha ku lugta leh inay fududeeyaan dhammaan hannaanka shaqo ee la xiriira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM