Soomaaliya: Xukuumadda oo isku diyaarineysa marxaladda deyn cafinta kadib

Image
SAWIRKA: SONNA

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Berri ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada ee maanta, kaas oo looga hadlay sidii dhaqaalaha dalka loo hagi lahaa marxaladda deyn cafinta kadib.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarineed iyo arrimo kale oo la xiriira dhaqaalaha qaranka, sida kordhinta dakhliga iyo maareynta kharashaadka.

Hanaanka deyn cafinta ayaa mareya heer gebogebo ah, waxaana u harsan oo kaliya in Dawladda Soomaaliya ay buuxiso shuruudo dhowr ah oo u baahan in si wadajir ah ay kala shaqeyaan dowlad goboleedyada.

Dhamaystirka hannaanka deyn cafinta ayaa ah mid ka mid ah qodobada mudnaanta u leh Xukuumadda Dan-qaran, iyadoo ay barbar socoto ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

Hadii ay ku guulaysato dadaalkaas, waxay awood u yeelan doontaa inay hesho daymo lagu hirgeliyo mashaariic muhiim u ah degmooyinka kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii dambe bogaadiyay dadaalka ay dowladdu u gashay sidii deymaha looga cafin lahaa dalka, wuxuuna faray Wasaarradaha iyo Hey’adaha ku lugta leh inay fududeeyaan dhammaan hannaanka shaqo ee la xiriira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markabkii Puntland Qabatay ee Muqdisho ku wajahnaa oo loo weeciyay Jabuuti

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 11:41AM

XOG: Mucaaradka oo Ka Shaqeynaya Qorshe Cusub oo Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh 

Waxaa la filayaa in tallaabadani ay qeyb ka noqoto dagaalka siyaasadeed ee ka dhanka ah Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 07:32AM