Tabin toos ah: Doorashada gudoonka baarlamaanka 2aad ee Galmudug

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa Jimcada maanta ah gudoon cusub ku dooranaya magaaladda caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

Wadarta guud ee murashaxiinta u taagan xilalka afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ah todoba kamid ah xubnaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedkan Somaaliyeed.

Murashaxiinta gudoomiyaha

Maxamed Nur Gacal
Cabdinasir Aaden Cismaan
Cabdullaahi Axmed Calasow

Ku xigeenka 1aad

Saadaq Sheekh yuusuf
Cabdullaahi Xersi Maxamed

Ku xigeenka labaad

Axmed Maxamed Maalin
Faaddumo Cabdi Cali.

Dhanka kale, murashax Calasow ayaa madasha ay ka socoto doorashadda ka sheegay in uu gebi ahaanba isaga haray tartanka loogu jiro xilka gudoomiyaha baarlamaanka.

Tani ayaa ka dhigan in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu kala baxi karo wareegga koowaad, wallow ay wax walba iska bedeli karaan, daqiiqadaha dambe.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo qaadacay doorashooyinkan ka socda Dhuusamareeb ayaa magaalada Gaalkacyo kawada abaabulka doorasho kale.

Hoos ka daawo muuqaalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM