Tabin toos ah: Doorashada gudoonka baarlamaanka 2aad ee Galmudug

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa Jimcada maanta ah gudoon cusub ku dooranaya magaaladda caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

Wadarta guud ee murashaxiinta u taagan xilalka afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ah todoba kamid ah xubnaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedkan Somaaliyeed.

Murashaxiinta gudoomiyaha

Maxamed Nur Gacal
Cabdinasir Aaden Cismaan
Cabdullaahi Axmed Calasow

Ku xigeenka 1aad

Saadaq Sheekh yuusuf
Cabdullaahi Xersi Maxamed

Ku xigeenka labaad

Axmed Maxamed Maalin
Faaddumo Cabdi Cali.

Dhanka kale, murashax Calasow ayaa madasha ay ka socoto doorashadda ka sheegay in uu gebi ahaanba isaga haray tartanka loogu jiro xilka gudoomiyaha baarlamaanka.

Tani ayaa ka dhigan in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu kala baxi karo wareegga koowaad, wallow ay wax walba iska bedeli karaan, daqiiqadaha dambe.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo qaadacay doorashooyinkan ka socda Dhuusamareeb ayaa magaalada Gaalkacyo kawada abaabulka doorasho kale.

Hoos ka daawo muuqaalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM