Taliyaha AFRICOM oo la kulmay Farmaajo una goodiyey Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFICOM] oo Talaadada maanta ah yimid Muqdisho ayaa la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo saraakiisha Ameerikaanka.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay labadda dhinac yeeshaan. Mas'uuliyiinta ayaa kawada xaajoodey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa howlgalada wadajirka.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa waxay fahfaahin ka bixisay qodobada kulanka looga hadlay iyo hadaladda uu ka yiri kadib Jeneraal Stephen Townsend.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa ku simaha safiirka ee Safaaradda Mareykanka, Brian Neubert, iyo hoggaanka sare ee militariga Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.

"Booqashadu waxay siisay fursad uu kula kulmo ciidamada oo uu ku qiimeeyo horumarka ololaha ka dhanka ah la dagaalanka shabakadaha argagixisada ee gobolka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Waa markii labaad oo Jen. Townsend uu socdaal ku yimaado Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho. Booqashadiisa koowaad waxay is arkeen ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaa mudnaanta koowaad leh ballanqaadkeena ah inaan ka caawino saaxiibadeena Soomaaliyeed hagaajinta amniga iyo horumarinta hay’adahooda difaaca,“ ayuu yiri Jen. Townsend.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhanka diblomaasiyadda, horumarka iyo difaaca si lamid ah dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish.

“Si amnigu u shaqeeyo waxaa sidoo kale loo baahan yahay dadaal dheeri ah iyo taageero isku duuban in laga helo beesha caalamka," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Townsend oo dalalka gobolka ku tartarsiiyey feejignaan dheeraad ah ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay iskaashi "si Soomaaliya iyo gobolkaba ay ammaan u helaan".

“Argagixisadu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan inaan daba joogno oo aan burburineyno maanta aana ka hortagi doono faafidooda berri," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xili Mareykanka uu kordhiyey gulufka ka dhanka cirka ee ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ee ka howlgasha buuraleyda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM