Taliyaha ciidanka lugta oo ka badbaadey isku day dil

Image
Taliyaha ciidanka dhulka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi. [Photo: SNA Radio]

MUQDISHO, Soomaaliya - Malayshiyada Al-Shabaab ayaa Sabtida maanta ah shaaca ka dhigay in ay ka dambeeyeen qarax miino halkaasi ka dhacay degaanka Hareeridheere oo dhowaan laga sararay.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka ammaanka ah, qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Taliyaha iyo gaadiidkiisu ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka.

Ugu yaraan 5 askari ayaa, sida ay sheegeen saraakiisha, ayaa ku dhintay weerarka tirro kalana waa ay dhawacmeen. Dhaawacyadda waxaa loo qaadey xarumaha caafimaadka si loo daaweeyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka oo ku sugan degaanka Qeycad oo xaqiijiyey in dadka ku naf-waayey ay kamid yihiin xubno firfircoonaa ayaa laga soo xigtay in Jeneraal Biixi uu caafimaad qabo.

Jeneraal Biixi oo wali aanan ka hadlin isku dayga la doonayey in lagu khaarijiyo ayaa maalmahan waday kormeero lagu xaqijinayo amniga goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Howlgaladan lagu xoreeyay degaanadaas ayaa waxaa looga dan-leeyahay in lagu xaqiijiyo nabad-gelyadda kahor doorashooyinka Xildhibaanada baarlamaanka 11aad ee lagu waddo in ay dhowaan dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM