Taliye iyo saraakiil ka badbaaday qaraxii koonfurta Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in qaraxaas lala beegsaday huteel uu magaaladda ka deganaa Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya.

Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa la sheegayaa in huteelka ay kulan ku lahaayeen saraakiil kale oo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka.

Idaacadda VOA-da ayaa ku warantay in uu jiro "khasaare soo gaaray qaar kamid ah ciidanka iyo shacab ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay".

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinkan noocaan ah looga bartay ururka Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in rasaas culus ay maqleen qaraxa kadib.

Goobjoogeyaal u waramay bogga GO ayaa sheegay in ciidamadda ammaanka ay durba tageen meesha ay wax ka dhaceen

Gaalkacyo waa magaalo dhinaca waqooyi uu ka jiro maamul hoostaga Puntland, halka dhanka koonfur uu ka jiro maamul hoostaga Galmudug.

Cabdixakiim ayaa taliyaha ciidanka lugta loo magacaabay bishii October ee 10-keeda ee sanadkan 2019, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Farmaajo.

Dirir ayaa soo noqday Taliyaha ku meel gaarka ee Qaybta Booliska gobalka Nugaal iyo Taliyaha Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland ee isla gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM