Taliyaha cusub ciidanka Xoogga dalka Somalia oo isku day dil ka bad-baaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xoog leh ayaa goor dhaweyd ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, waxaana ka dhashay khasaaro laxaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed.

Weerarkan ayaa bar-tilmaameedkiisu ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia, Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo waqtigaas kasoo baxay xarunta wasaaradda Gaashaan-dhigga Somalia.

Balse qarax ayaa dhacay wax yar uun kadib markii ciidanku dhaafeen goobta is-miidamintu ka dhacday, waxaana weerarkaas uu heleelay bas ay la socdeen dad shacab ah.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhinteen qaraxa, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka iyo gawaarida gurmad caafimaadka ayaa goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan, halka kooxa caafimaadku la tacaalayeen dadka waxyeelladu soo gaartay.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda Somalia iyo maamulka  magaalada Muqdishu.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda, balse qaraxyada noocaan ah waxaa dalka Somalia ka fuliya ururka Al Shabaab.

Mudooyinkii dambe kooxdan ayaa kor u qaaday weerarada ka dhanka ah dowladda iyo shacabka ku nool Muqdishu.

Wuxuu kusoo aaday Saddex bari kadib markii Madaxweynaha Somalia iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM