Taliyaha Guutada 3aad oo Qarax ka badbaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Taliyaha Guutada Saddexaad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa saaka ka badbaaday Isku-day dilka kadib markii Qarax lagula eegtay Kolonyo uu la socday oo maraysay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay ayaa Taliyahan oo lagu magacaabo Aadan Labo Afle lagula eegtay inta u dhaxaysa deegaanka Tareedisho iyo Garasbaaley, oo kaabiga ku haya Muqdisho.

Saraakiisha maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa xaqiijiyay in dhowr Askari oo saarnaa Gaari Cabdi-Bile ah, oo galbinayay Taliyaha ay ku dhaawacmeen, kadibna loo soo qaadey Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uliyadda weerarka qaraxa, ee lagu qaarijin lahaa Taliyaha Guutada Saddexaad ee Ciidamada Xoogga dalka, Aadan Labo Afle, sida lagu sheegay warar lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee taageera.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM