Taliyaha Guutada 3aad oo Qarax ka badbaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Taliyaha Guutada Saddexaad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa saaka ka badbaaday Isku-day dilka kadib markii Qarax lagula eegtay Kolonyo uu la socday oo maraysay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay ayaa Taliyahan oo lagu magacaabo Aadan Labo Afle lagula eegtay inta u dhaxaysa deegaanka Tareedisho iyo Garasbaaley, oo kaabiga ku haya Muqdisho.

Saraakiisha maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa xaqiijiyay in dhowr Askari oo saarnaa Gaari Cabdi-Bile ah, oo galbinayay Taliyaha ay ku dhaawacmeen, kadibna loo soo qaadey Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uliyadda weerarka qaraxa, ee lagu qaarijin lahaa Taliyaha Guutada Saddexaad ee Ciidamada Xoogga dalka, Aadan Labo Afle, sida lagu sheegay warar lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee taageera.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM