Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Booliska Soomaaliya

Image
Firin ayaa saami-qeybsi hoosaad waxay wadaagaan Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada dowlada Federaalka ayaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya u magacaabey General Sulub Axmad Firin, sidda ay Garowe Online lagu baahiyey markii ugu horeysay.

Firin oo degaan doorashadiisa ay tahay maamul goboleedka Jubaland ayaa waxa uu waqti xaadirkan hayey xilka wasiir ku Xigeenka wasaarda duulista hawada dowlada Federaalka ah.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in uu faaruqin doono jagada uu ka hayey xukuumadda Xamse. Lama ogga qofka lagu badali doono iyo waqtiga lagu dhawaaqi doono magacaabidaas.

Taliyaha cusub ayaa wuxuu badali doonaa Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar] kaasoo xilka taliyaha booliska Soomaaliya hayey tan iyo Aug 25, 2019 kaasoo ku dhashay gobolka Sool sanadka Markuu ahaa 1953.

Kumuu ahaa Jeneraal Xijaar?

Waxbarashadiisa aas-aasiga ah ayuu ku dhameystay gobolka Banaadir. Sanadkii 1975-tii ayuu kamid noqday arday ka qalin jabisay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

Milatariga Soomaaliya ayuu ku biiray sanadkii 1977-kii. Tababarkiisii ugu horeeyay ayuu ku qaatay dugsiga General Daa'uud. Tababarka Kumaandooska ayuu ku soo qaatay Mareykanka iyo Jarmalka.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka dowladda ee loo garan-og-yahay SONNA, Jeneraalka ayaa waxa uu dugsiga tababarka Degaanleey kasoo noqday tababare ciidan.

Kadib burburkii 1991-dii, agaasime ayuu kasoo noqdey Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada dowlada federaalka ah eeSoomaaliya markii loo loo yaqaanay Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM