Taliye ka badbaadey weerarkii hotel SYL oo xog badan bixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii hore ee ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Danab, Cabdiraxmaan Cumar Jeeni-Qaar, ayaa kamid ah in ka badan 80 ruux oo ka badbaadey weerarkii hotel SYL ee Muqdisho.

Weerarka oo dhacay fiidnimadii Talaadada, 10-ka December ee sanadkan 2019, ayaa ku bilowday bam-gacmeed iyo is-rasaaseyn.

Jeeni-Qaar, oo gudaha ku jiray markii kooxaha hubeysan ay rasaasta ku furayeen huteelka, ayaa sheegay in uu arkay shan dabley ah.

Illo wareedyo ayaa sheegay in dableyda ay huteelka ku tageen gaari boolis ah ayna wateen dareeska ciidamadda bileyska.

"Maleyshiyadda markii ay yimaadeen huteelka daqiiqado kahor abaare 7-dii fiidnimo waxay rasaas ku fureen ilaalada madaxtooyadda si ay isaga mashquuliyaan una galaan huteelka," ayuu yiri taliyaha.

Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyadda weerarka ayaa xustay in duulaanka ay fuliyeen dagaalameyaasha lugta ee ay ugu yeerto "Inqimaasi".

"Aniga iyo marti kale oo ku sugneyd huteelka, waxaa nasoo badbaadiyey ilaaladeyda, markii ay rasaas nagu soo fureen," ayuu u sheegay idaacadda VOA-da gaar ahaan Laanta Afka Soomaaliga.

Booliska Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saarey kadib markii weerarka lagu soo gabagabeeyay howlgal qaatay muddo todoba saacadood ah ayaa tibaaxay in la toogtay dhamaan dableyda.

Warbixinta bileyska ayaa lagu sheegay in shan ruux oo laba kamid ah askari yihiin iyo saddex kale oo uu ku jiro garsoore hore ay ku dhinteen weerarka.

Hotel SYL oo ku yaala aaga ammaankeeda aadka loo ilaaliyo ee degmada Xamarwayne ee Muqdisho ayaa ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, waana markii saddexaad oo uu bartilmaameed u noqday Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM