Taliye ku-xigeenka hay’adda NISA oo is-casilay [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Taliye ku xigeenka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Somalia (NISA) Cabdisalam Yuusuf Guuleed, ayaa maanta iska-casiley xilkaasi, xilli uu billowday Howlgal amni.

War Saxaafeed uu soo saarey Cabdisalaam ayuu ku sheegay in sababo u gaar ah uu shaqada uga tagey, islamarkaana Iscasilaadiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdisalam ayaa ahaa mudo sanado ah Taliye ku xigeenka dhanka howlgallada, waxaana wararka ay sheegayaan in uu jiro Isbedello la doonayo in lagu sameeyay Taliyaasha hoose ee NISA.

Hay'adda NISA oo dhawaan Madax looga dhigay Sanbaloolshe ayaa waxay sheegtay inay Muqdishu ka fulinayso howlgallo xilliga bisha Ramaad, si looga hortago weerarada Kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM