Taliye Odowaa oo sharaxay amar lagu soo rogay ilaalada Xildhibaanada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha ciidamadda Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa fahfaahin ka bixiyey amar lagu soo rogay ilaaladda gaarka ah ee xildhibaanadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Amarkan oo yimid kadib weerarkii dhimashada keenay ee Al-Shabaab ku gashay hotel SYL ayaa xeerinaya in xubnaha dowladda ee adeegsanaya xeen-daabka Madaxtooyada laga reebo ilaaladda.

Dhinacyadda ay saameysay talaabadan dhanka amniga ah ayaa ku qeexay in askarta dowladdu noqdeen "dad ayaga leyska ilaalinayo".

Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha milatariga, oo ka hadlayey fadhigii maanta ee Golaha Shacabka, ayaa meesha ka saarey eedeyntaas, isaga oo ku adkeystay in ay kaliya la xiriirto "badqabka Madaxtooyadda".

"Waxa leyska ilaalinayo ma ahan staff-ka Xildhibaanada la socda, staff-ka Xildhibaanada la socda waxay ka tirsan yihiin ciidamadda qalabka sidda, hay'addaha amniga kala duwan ayay ka tirsan yihiin".

Dableydii gashay huteelka SYL oo dishay laba askari iyo saddex shacab ayaa watay dareeska booliska. Sidda laga soo xigtay illo wareedyo, waxay meesha ku tageen gaari nooca boolisku isticmaalo ah.

Jeneraalka ayaa ku daray: "Ma ahan in ayagu [askarta] ay cadow yihiin, laakiin waxa la ilaalinayo waa xeen-daabka xiran ee amniga Madaxtooyadda laga sugaayey, sidda maalin dhaweydba dhacday".

Warar kale ayaa sheegaya in ragga hubeysan ee weeraray Hotel SYL ay qaab lug ah ku galeen xeen-daabka lana sheekeysteen ilaalada Madaxtooyadda.

Hotel SYL, oo amnigiisa aad loo ilaaliyo, ayaa dhowr kilo-mitir u jira Madaxtooyadda Soomaaliya.

Taliye Odowaa oo ku nuux-nuux saday in amarkan cusub uusan ahayn mid lagu beegsanayo ilaaladda sharci-dejiyeyaasha ayaanan soo hadal-qaadin inuu yahay mid waqti cayiman leh ama inuu sii jirayo.

Sugitaanka nabad-gelyadda Muqdisho ayaa kamid ah waxyaabaha ay caqabaddaha ugu badan ka haysato Dowladda madaxweyne Farmaajo oo mudada xileedkeeda uu kaga harsan yahay sanad iyo bilooyin.

MUUQAALKA ODOWAA

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM