​Theresa May oo furtay Shirka London iyo Farmaajo oo codsaday in la qaado Xayiraadda Hubka

Image

LONDON, UK - Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa si rasmi ah u furtay Shirka London, ee looga hadlayo arrimaha Somalia, kaasi oo ay ka qeybgalayaan dowladdo badan iyo Hay'ado caalami ah.

Theresa May ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay dowladeeda martigeliso Shirka London ee Somalia, waxayna taageero u muujisay dowladda cusub ee Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Shirka waxaa ka hadlay hogaamiyaal dhowr ah, oo ay kamid yihiin Madaxwenayaasha Kenya, Uganda, iyo Ra'iisal wasaaraha Ethiopia, oo dhamaantooda khudbadahooda diirada ku saarey amniga Somalia iyo Dagaalka lagula jiro Al shabaab.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka sheegay Shirka in dowladiisa ay wax ka qaban doonto amniga iyo musuq-maasuqa, sidoo kalena ay abuuri doonto fursado caalamka uu ku maal-gashan karo Somalia.

 Wuxuu codsaday Madaxweynaha in Somalia laga qaado xayiraadda hubka ee uu kusoo rogay Gollaha Amniga, si dowladiisa ay usoo iibsato hub ay ciidamadeeda kula dagaalamaan Kooxda Al shabaab.

Farmaajo ayaa ku celiyay balan-qaadkiisa ahaa in Al Shabaab awoodeeda kusoo wiiqi doono labo sano.

Shirka London, oo ah kii saddexaad oo Somalia loo qabto tan iyo 2012 ayaa diirada lagu saaray Amniga iyo Arrimaha Bini'aadanimada, iyadoo lagu baabay in deymaha dhaqaale laga cafiyo dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM