Tirada dadka ku dhintey weerarada Al-Shabaab 2021 illaa 2022

Image
Daraasad cusub ayaa daaha ka rogtey in khasaaraha dhimashada lala xiriirinayo kooxda ay kordheen 133%.

WASHINGTON, USA - Dagaalka aan la iclaamin ee Mareykanka ayaa noqdey isha koowaad ee hormuud u ah colaadda ka oogan Soomaaliya, sidda lagu caddeeyay warbixin ay daabacdey Jaamacadda Brown University.

Warbixintan ayaa ah daraasad ay sameeyeen in ka badan 30 khuburo macalmiin heer sarre ah ah kuwaasoo ka shaqeynaya mashruuc loogu magac-daray "Khasaaraha Dagaalka".

"Maraykanku si fudud ugama qayb qaadanayo iska-hor-imaadka Soomaaliya, balse, waxa uu noqday mid udub dhexaad u ah sii socoshada colaadda Soomaaliya ee lama huraanka ah," ayay tiri Afarọlá Ànúolúwapọ Sóyemí.

Sóyemí ayaa ah bare culuumta falsafada siyaasadda guud isla markaana ka tirsan qeybta Blavatnik School of Government ee Jaamacadda Oxford ee  fadhigeedu yahay Ingiriiska.

Dhanka kale, tirokoob ay sameysay Pentagon-ka ayaa sidoo kale waxay caddeynaysaa kororka colaadda gaar ahaan weeraradda ay geysteen maleyshiyaadka Al-Shabaab laga bilaabo 2021 ilaa 2022.

"Isbeddelka ugu caansan ee Soomaaliya sannadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa kororka 133 boqolkiiba heerka dhimashada ee lala xiriirinayo rabshadaha kooxaha Islaamiyiinta ah, oo ay ugu horreeyaan al-Shabaab," sida lagu sheegay warbixin bishii Febraayo kasoo baxdey Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika.

Africa Center for Strategic Studies waa waax cilmi-baaris oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, waxaana ay sameysaa tirokoob guud oo ku saabsan weerarada argagixisadda.

Weerarada loo adeegsado walxaha qarxa ayaa sidoo kale kor u kacay 34 boqolkiiba, waxaana tirada guud ee geerida ee lala xiriiriyay Al-Shabaab ay gaartey 2,606 qof 2022-kii xilli 6,225 ay ahayd 2021-kii.

"Weerarada Al-Shabab ayaa kordhay boqolkiiba 60 tan iyo 2017, taasoo ka dhigaysa tira-koobkii dhowaan la sameeyay inay la jaan qaadayaan isbeddellada mustaqbalka fog," ayuu wariyey wargeyska The Intercept.

Mareykanka ayaa bilaabay howlgalada ka dagaalanka argagixisadda Soomaaliya 2007-dii xilligaasoo ay si weyn usoo shaac-baxeen kooxaha xagjirka ah ee gacan-saarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM