Tirada Turkida ku dhaawacantay qaraxii Afgooye oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in 15 qof ay ku dhaawacmeen qaraxii maanta ka dhacay bood-boodka oo ku dhow degmada Afgooye.

Nuur Cali, oo ah sarkaal ka tirsan bileyska, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in lix kamid ah dadka dhaawacmay ay Turki yihiin.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in sagaal kale ay yihiin Soomaali, waxayna isugu jiraan askar iyo shaqaale, sidda ay wararku sheegayaan.

Weerarka oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxo qarxa oo uu waday naftii halige ayaa beegsaday kontarool ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkida iyo ciidamadda.

Howladeenadan la beegsaday iyagoo qadeynaya ayaa kamid ah shaqalaaha dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo dayactir balaaran lagu sameynayo.

Ururka Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas.

Qoraal kasoo baxay kooxdan argagixisada ah ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku burburiyeen gaadiid ciidan.

Bishii December, 2019, qarax is-miidaamin oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool ee duleedka Muqdisho ayaa sababay geerida 80 shacab oo ay ku jiraan laba muwaadin oo Turki ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM