Tiradda danjireyaasha uu sanadkan 2019 qaabilay Farmaajo

Image

MUQDISHO, 2019 – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay 13-safiir tan iyo bilowgii sanadkan sii idlaanaya ee 2019, sidda ku cad liis ay soo bandhigtay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Danjireyaasha aqoonsiga laga gudoomay ayaa ka kala socda dalalka; Ruushka, Sweden, Austria, Italy, Japan, Nigeria, Canada, India, Indonesia, Britain Bahrain, Burundi iyo Masar.

Villa Soomaaliya oo war-saxaafadeed kooban soo saartay ayaa xustay tani in ay muujineyso "dib u soo laabashada maqaamka dalka ku leeyahay caalamka".

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in lasii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee aanu la leenahay dalalka Gobolka, kuwa qaaradda iyo guud ahaan caalamka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hase ahaatee, qaar kamid ah diblumaasiyiintan ayaanan ku lahayn magaaladda Muqdisho joogitaan buuxa, sababtoo ah waxay dalalkooda sidoo kale wakiil uga yihiin qaar kamida wadamada deriska.

Intaas waxaa wehlisa in safiiradda qaar ay degan yihiin huteelo, maadaama aysan ku lahayn safaaradda caasimadda, waxayna cuskadaan isku haleyn ammaan oo aan jirin.

Ammaanka, xiriirka maamul goboleedyadda iyo doorashooyinka sanadka dambe ee 2020-ka ayaa kamid ah caqabadaha waaweyn ee horyaala dowladda Farmaajo ee mudada xileedku gabaabsi ka yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM