Turkiga iyo Qadar oo ku kala irdhoobay dano ay ka leeyihiin Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa madaxa isugula jira markii ay isku maandhaafeen dano is-diidan oo yaala gudaha Soomaaliya, sidda lagu daabacay jaraa'idka todobaadlaha ah ee The Arab Weekly.

Wargeyska oo soo xiganaya illo wareedyo warbaahineed oo Turkiga ah ayaa shaaca ka qaadaya in khilaafka uu ka yimid dhanka xukuumadda Dooxa "oo isku dayday in ay meesha ka saarto dhigeeda Ankara".

"Illo wareedyo siyaasadeed oo Soomaaliya ah ayaa xaqiijiyey [iska hor-imaadka]," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta.

Dhinacyadda dusiyey xogta ayaa tibaaxaya in khilaafka markii hore kasoo bilowday goob uu Turkigu kasoo saarayo shidaal oo ku taala dhul xeebeedka dalka dhacda Bariga dhexe ee Qubrus.

Xukuumadda Dooxa ayuu joornaalku sheegay in kolkii hore ay dowladda Qubrus ka heshay xuquuqda soo saarista Gaaskaas.

Qormadda ayaa intaas ku dartay in wafdiga Qadar ee Soomaaliya ay adeegsadeen "siyaasad liddi ku ah Turkiga si ay u carqaladeeyaan soo saaritaanka una soo jiitaan dareenka mas'uuliyiinta Soomaaliya".

"Tani ayaa waxay sarre u qaadey tuhun ku aadan in uu sii xoogeysan karo iskaashiga Turkiga iyo Qadar," ayuu ku daray.

Sidoo kale, wargeyska ayaa xusay in labadda wadan ay ay ku loolamayaan maamulka mashaariic horumarineed oo ku saabsan gaadiidka, dekadaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka dhaca bariga Afrika.

Inkasta oo uu jiro khilaafkan, haddana Qadar iyo Turkiga ayaa, sidda ku xusan warbixinta, wadaaga dano gaar ah oo ku saabsan "in ay taageeraan kooxaha Islaamiyiinta siyaasadeed ee ka jira gudaha Soomaaliya".

Labadan dal ayaa xulafo muhiim ah waxay u yihiin xukuumadda Muqdisho oo ay siiyaan taageero siyaasadeed iyo mid maaliyadeed. Dowladda Farmaajo waxaa mudada xileedkeeda kaga harsan sanad iyo bilooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM