Turkiga oo "dardargelinaya" tababarida booliska Soomaaliya

Image
Image
Image
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa qaabilay saraakiil Turkish ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Axada maanta ah waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dowladda Turkiga.

Kulankan ayaa daarnaa sidii loo dardar-galin lahaa tababarada iyo tayeynta Ciidanka Booliska iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

"Saraakiisha oo ka socday Turkiga ayaa sheegay in ay ka go'an tahay dar-dar-galinta tababarida iyo tayeynta ciidanka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Firin.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraakiisha iyo Dowladooda sidda ay ugarab taagan yihiin tayeenta iyo Tababarada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad".

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada joogtada ah siiya ciidamadda Soomaaliya gaar ahaan booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad kuwaasoo loogu talagalay rabshadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM