Turkiga oo ka jawaabay eedeyn kaga timid ururka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah waxay kaga jawaabtay eedeyn culus oo kaga timid dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tilmaamay in xukuumadda Ankara ay "qabsaneyso dhulka Soomaaliya iyo kheyraadkiisa".

Mehmet Yilmaz, danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay in aysan jirin dano gaar ah oo ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Yilmaz, oo wareysi siiyey VOA-da gaar ahaan laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa shaaciyey in ay Soomaaliya ku caawiyeen hal bilyan aysana jirin dano gaar ah oo ay ka leeyihiin.

Lacagtaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay ku kala bixiyeen kaabeyaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyin iyo deeqo ay siiyeen dowladda.

Mar wax laga waydiiyey sheegashadii Al-Shabaab ee ahayd in weerarkii Ex-kontarool la beegsatay kolanyo Turki ah, diblumaasiga ayaa ku jawaabay "waxaan warbixin ka sugeynaa dowladda".

Danjiraha ayaa meesha ka saarey in dhacdadaas looga dilay afar muwaadin, wuxuuna ku adkeystay in ay kaga dhinteen kaliya laba.

"Muwaadiniinteena iyo Soomaalida waxay noo yihiin isku mid, waxaana u joognaa halkaan tan iyo 2011-dii sidii aan u caawin lahayn dadka iyo dowladda Soomaaliya," ayuu xusay.

Turkiga ayaa kamida dowladaha aadka ugu dhow maamulka Farmaajo, waxaana bil walba ay siisaa taageere dhaqaale oo lagu kabayo Miisaaniyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Ciidan oo Helay Darajada Ugu Sarreysa kadib Dagaal uu La Galay Dal Deris Ah

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa lagu sheegay in Munir lagu…

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 12:55PM

Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 11:41AM