Turkiga oo siiyey Soomaaliya yabooh la xiriira la dirirka Al-Shabaab

Image
Xukuumadda Ankara ayaa sidoo kale waxay cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ee degmada Galcad.

ANKARA, Turkey - Dowladda Turkiga ayaa Jimcihii si kulul u cambaareeysay weerarradda "argagixiso" ee "foosha xun" ee lala beegsaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

“Aad ayaan uga xunahay in aan ogaano in askar badan ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay saldhigyada ciidamada ee gobolka Galguduud ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Dadka dhaawacmay ayaa qaarkood lagu daweynayaa Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi baarista ee Recep Tayyip Erdogan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay wasaaraddu warisay.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay "in weerarkan uusan hor istaagi doonin go’aan ka gaarista ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda argagixisada ah".

“Waxaan u ALLE rajaynaynaa naxariistii Janno intii ku dhimatay, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo kale shacabka saaxiibada iyo walaalaha ah iyo dowladda Soomaaliya, waxaana u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah inta ku dhaawacantay," ayay raacisay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ankara ay u balanqaadeyso Soomaaliya taageero dheeri ah. “Turkiga waxa uu sii wadi doonaa garab istaaga Soomaaliya si ay ula dagaalanto argagixisada," ayay xustey.

Al-Shabaab ayaa waxay sheegatay mas’uuliyadda weeraradii aroortii Jimcaha lagu qaaday saldhig ciidamadda dowladda ay ku leeyihiin degmada Galcad ee gobolka Galgaduud halkaasoo ay ku nafwaayeen todoba askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM