Uganda oo codsi saameynaya Soomaaliya u dirtay Midowga Yurub

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa u sheegay wakiilo ka socda Midowga Yurub in dalkiisa la daalaadhacayo in uu u garaabo qaxootiga dalalkooda kasoo qaxay.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed Madaxtooyadda kasoo baxay Sabtidii, Museveni oo la kulmay xubnaha EU-da ka socda in ay ka codsadaan dalalkooda in ay maalgeliyaan wadamadooda.

Soomaali ayaa ku jira qaxootiga ku nool waddankaas dhaca Geeska qaaradda kheyraadka badan ee Afrika.

Museveni ayaa ku doodey in iyadda oo Uganda leedahay siyaasad ah qaabilaada soo galootiga haddana ay wajaheyso caqabado ay kamid yihiin cuno yari, degaan, waxbarasho iyo caafimaad.

Sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxday Guddiga Sarre ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Qaxootiga, Uganda ayaa martigelisa ku dhowaad 1.3 milyan oo qaxooti kuwaas oo kala yimaada;

Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Koongada Dimoqraadiga ah, Burundi iyo Rwanda oo tirro badan leh.

Uganda ayaa wuxuu yahay waddanka ugu balaaran ee soo dhaweeya qaxootiga, waana mid kamid ah shanta dal ugu sareysa guud ahaan caalamka, sidda laga soo xigtay Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM