Uganda oo codsi saameynaya Soomaaliya u dirtay Midowga Yurub

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa u sheegay wakiilo ka socda Midowga Yurub in dalkiisa la daalaadhacayo in uu u garaabo qaxootiga dalalkooda kasoo qaxay.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed Madaxtooyadda kasoo baxay Sabtidii, Museveni oo la kulmay xubnaha EU-da ka socda in ay ka codsadaan dalalkooda in ay maalgeliyaan wadamadooda.

Soomaali ayaa ku jira qaxootiga ku nool waddankaas dhaca Geeska qaaradda kheyraadka badan ee Afrika.

Museveni ayaa ku doodey in iyadda oo Uganda leedahay siyaasad ah qaabilaada soo galootiga haddana ay wajaheyso caqabado ay kamid yihiin cuno yari, degaan, waxbarasho iyo caafimaad.

Sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxday Guddiga Sarre ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Qaxootiga, Uganda ayaa martigelisa ku dhowaad 1.3 milyan oo qaxooti kuwaas oo kala yimaada;

Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Koongada Dimoqraadiga ah, Burundi iyo Rwanda oo tirro badan leh.

Uganda ayaa wuxuu yahay waddanka ugu balaaran ee soo dhaweeya qaxootiga, waana mid kamid ah shanta dal ugu sareysa guud ahaan caalamka, sidda laga soo xigtay Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM