​Uganda oo xaqiijisay in 12 Askari looga dilay Somalia

Image

KAMPALA, Somalia - Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in 12 Askari looga dilay weerar ay shalay Al shabaab ku qaadey Kolonyo AMISOM kaasi oo ka dhacay Koonfurta Somalia.

Wasaaradda Gaashaandhigga Uganada ayaa War Saxaafadeed ku sheegtay in Askarta ay ku dhinteey weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Golweyn, oo ku dhaw Buula-Mareer, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka waxuu dhacay Sabtidii, 19-ka July, waxaana lagu qaadey ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo howlgal roondo ah ku fulinayay inta u dhaxaysa Golweyn iyo Buula-Mareer.

Todobo Askari oo kale ayaa lagu dhaawacay dagaalka dhexmaray ciidamada huwanta iyo Al shabaab, waxaana loo soo qaadey Isbitaal AMISOM ku leedahay xarunta Xalane ee Muqdishu.

Wasaarada Difaaca Uganada ayaa daboolka ka qaadey in ay Gudi u xilsaareen inuu soo baaro sababta uu ku dhacay weerarka khasaaraha intaasi la eg kasoo gaarey Ciidamada.

Waxaa sidoo kale Gudigan ka shaqeynayaa sidii ay Midowga Africa ugu raadin lahaayeen Magdhaw Askaria geeriyootay qosaskooda, kuwaasi oo naftooda ku waayay difaacida Somalia.

Al shabaab ayaa sheegtay shalay in weerarka ay ku dishey 39 Askari oo kasoo jeeda Uganda,  kuwaasi oo 7 kamid ah ay ahaayeen Saraakiil sare, islamarkaan ay hayaan meydadkooda.

Ma jiraan Illo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Kooxda Al shabaab.

Uganda, oo ah dalkii ugu horeeyay oo Ciidamadiisa yimaadaan Muqdishu 2007 ayaa ku weeyay Howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Al shabaab boqolaal Askari iyo Saraakiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM