Uhuru Kenyatta oo booqdey Somalia, dowlada Federaalka oo ka carootey

Image

DHOOBLEY, Somalia- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuri Kenyatta ayaa maalinimadii Sabtida March 18, 2017 gaarey wadanka Somalia isagoo halkaas kula kulmay ciidamada Kenya (KDF) kuwasoo kamid ah howlgalka nabad-sugida midowga Africa.

Uhuru Kenyatta oo booqashada ku tagey saldhiga cidmada Kenya ee ku yaal Dhoobley ayaa u mahad celiyey dadaalka Askartaan ugu jiraan difaacida dalkooda.

" Joogitaankiina Somalia waxa ku badbaadiseen naf badan oo shacabka Kenya ah iyadoo aad dadkiina ka xoreyseen baqdinta Al Shabaab" ayuu yiri madaxweyne Kenyatta Isagoo ku labisan dharka ciidamada KDF.

Waxaa uu intaas ku darey " Waxaan dib u soo nooleysiiney dalxiiskii dalka lagu imaan jirey taas mahadeeda aad idinku leedihiin." 

Saldhiga ciidamada dalka Kenya ee ku yaal Dhoobley ayaa ah taliska guud ee laga maamulo howlgalka Amisom ee KDF.

Madaxweynaha dalka Kenya oo uu la socday taliyaha ciidamada dalkaas ayaa la qadeeyey askarta KDF ee ku sugan saldhigaas isagoo dhageystey hadaladoda.

Dhinaca kale wararka laga helayo Ilo diblomaasiyeed ee ku sugan dalka Kenya ayaa sheegaya in dowlada Federaalka Somalia ka carootey booqashada Madaxweynaha dalka Kenya ku tagey Dhoobley.

Wararka ayaa sheegaya in carada dowlada Somalia ee booqashadaan salka ku hayso madaama madaxweyne Uhuru Kenyata uusan la socodsiin Inuu galayo gudaha Somalia madaxda Federaalka iyo diplomaasiyiinta kale ee ku sugan Nairobi.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM