UK oo lacag dhan 6 Milyan oo Dollar ugu deeqday ciidamada Soomaaliya

Image

LONDON, UK - Dowladda UK ayaa bixisay lacag dhan 6 milyan oo Dollar oo dheeri ah oo lagu caawinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyadoo loo sii marinayo sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). 

Warkan ayaa lagu sheegay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh oo dhawaan booqasho ku timid Soomaaliya.

War kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dhanka amniga ee u dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, kaas oo dalka u horseedi kara xasilooni iyo nabad.

Dame Sarah MacIntosh ayaa xaqiijisay in UK ay ka go’an tahay in ay taageerto hindisayaasha ay hormuudka ka tahay Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta xasiloonida goobaha dib looga qabsaday.

Sidoo kale, Dowladda UK ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay inay gacan siiso dowladda Soomaaliya si loo gaaro Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah. Wasiirka arrimaha dibadda UK ayaana tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM