UK oo lacag dhan 6 Milyan oo Dollar ugu deeqday ciidamada Soomaaliya

Image

LONDON, UK - Dowladda UK ayaa bixisay lacag dhan 6 milyan oo Dollar oo dheeri ah oo lagu caawinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyadoo loo sii marinayo sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). 

Warkan ayaa lagu sheegay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh oo dhawaan booqasho ku timid Soomaaliya.

War kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dhanka amniga ee u dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, kaas oo dalka u horseedi kara xasilooni iyo nabad.

Dame Sarah MacIntosh ayaa xaqiijisay in UK ay ka go’an tahay in ay taageerto hindisayaasha ay hormuudka ka tahay Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta xasiloonida goobaha dib looga qabsaday.

Sidoo kale, Dowladda UK ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay inay gacan siiso dowladda Soomaaliya si loo gaaro Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah. Wasiirka arrimaha dibadda UK ayaana tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM