UN-ka oo shaaciyey lacagta DF ku maalgelisay doorashadii Lafta Gareen

Image

WASHINGTON, US – Golaha Khubarada Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa soo saarey warbixn ka kooban ku dhowaad 90 bog.

Faaladooda ayaa waxay diiradda ku saareen arrimo muhiim ah sida "nidaamka mooryaanimada Al-Shabaab ee uruurinta lacagaha baadda ah".

Si lamid ah, waxaa looga hadlay qulqulka hubka sharci daradda ee waddanka xili ay saan tahay xayiraad dhanka hubka ah.

Sidoo kale, waxay kusoo qaadeen lacago ay sheegeen in ay kala gudbayaan maamul goboleedyada iyo ka ganacsiga dhuxusha oo la mamnuucay.

Guddiga oo dul istaagay doorashadii December ee mamaul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxay shaaciyeen in loo adeegsaday dhaqaale.

Sidda lagu sheegay warbixinta, Xildhibaano tiradoodu gaareyso 86 ayaa magaaladda caasimada ah ee Muqdisho soo gaarey bishii November 2018-kii.

Warbixinta ayaa shaaca ka qaadeysa in mid walba oo kamida dhamaantooda la siiyey aduun lacageed dhan shan kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Intaas waxaa wehlisa in loo damaanad qaaday in la siin doono aduun kale oo dhan 20-kun illaa iyo 30-kun oo lagu taageeray murashaxiinta.

"Boqolaal kamid ah mas'uuliyiin sarre oo ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa la siiyey malaayiin Doollar," ayay daboolka ka qaadey warbixinta.

Qormadda ayaa tooshka waxay ku ifineysa musuqmaasuqa iyo farogelin horey loo sheegay in dowladdu ku sameysay coddeyntii Koonfur Galbeed.

Xukuumadda Federaalka ayaa dhamaan talaabooyinkaas u qaadey si ay u hesho natiijo ka qoslisa uguna soo baxo coddeynta murashax daacad u ah.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo xukuumadda Khayre wasiir ka ahaa ayaa kusoo baxay doorashadda iyadda oo laga reebay Mukhtaar Roobow oo ugu cad-cadaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM