UN-ka oo shaaciyey lacagta DF ku maalgelisay doorashadii Lafta Gareen

Image

WASHINGTON, US – Golaha Khubarada Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa soo saarey warbixn ka kooban ku dhowaad 90 bog.

Faaladooda ayaa waxay diiradda ku saareen arrimo muhiim ah sida "nidaamka mooryaanimada Al-Shabaab ee uruurinta lacagaha baadda ah".

Si lamid ah, waxaa looga hadlay qulqulka hubka sharci daradda ee waddanka xili ay saan tahay xayiraad dhanka hubka ah.

Sidoo kale, waxay kusoo qaadeen lacago ay sheegeen in ay kala gudbayaan maamul goboleedyada iyo ka ganacsiga dhuxusha oo la mamnuucay.

Guddiga oo dul istaagay doorashadii December ee mamaul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxay shaaciyeen in loo adeegsaday dhaqaale.

Sidda lagu sheegay warbixinta, Xildhibaano tiradoodu gaareyso 86 ayaa magaaladda caasimada ah ee Muqdisho soo gaarey bishii November 2018-kii.

Warbixinta ayaa shaaca ka qaadeysa in mid walba oo kamida dhamaantooda la siiyey aduun lacageed dhan shan kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Intaas waxaa wehlisa in loo damaanad qaaday in la siin doono aduun kale oo dhan 20-kun illaa iyo 30-kun oo lagu taageeray murashaxiinta.

"Boqolaal kamid ah mas'uuliyiin sarre oo ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa la siiyey malaayiin Doollar," ayay daboolka ka qaadey warbixinta.

Qormadda ayaa tooshka waxay ku ifineysa musuqmaasuqa iyo farogelin horey loo sheegay in dowladdu ku sameysay coddeyntii Koonfur Galbeed.

Xukuumadda Federaalka ayaa dhamaan talaabooyinkaas u qaadey si ay u hesho natiijo ka qoslisa uguna soo baxo coddeynta murashax daacad u ah.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo xukuumadda Khayre wasiir ka ahaa ayaa kusoo baxay doorashadda iyadda oo laga reebay Mukhtaar Roobow oo ugu cad-cadaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM