UNHCR oo gacan bidaxeyneysa Soomaalida ku dhibaateysan Libya

Image

TRIPOLI, Libya – Hay'adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa bilowday in ay gacan bidaxeyso muhaajiriinta Soomaalida ah ku dhibaateysan dalka ay colaaduhu la dageen ee Libya.

Gacan bidaxeynta ayaa laga soo warinayaa xarunta ugu weyn ee UNHCR ee ku taala magaaladda caasimada ah ee Tripoli, halkaas oo ay ku jiraan muhaajiriin badan oo dalal kala gedisan u dhashay.

Soomaalida xaruntaas ku jirta ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 100. Dadkan waxay kamid yihiin boqolaal kasoo cararay saldhig lagu hayey halkaas oo lagu duqeeyay horaantii sanadkan.

Qaxootiga ayaa xarunta ugu weyn ee UNHCR ku galay qaab awood ah markii ay hay’addu ka diidey in ay qaabisho. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Libya ayaa kolkii dambe amar ku bixisay in ay galaan.

"Muddo ku dhow saddex saacadood ayay banaanka taagnaayeen oo uu ku dayey roob," ayuu yiri Xuseen Xasan Cali.

Xaruntan oo laga heli karo wax kasta oo nolosha bini'aadamka aas-aasi u ah ayay u maciin-bideen sababtoo ah dhiilo colaadeed iyo qafaalasho ay gudaha magaaladda kala kulmayaan.

UNCHR ayaa muddo kadib waxay bilowday in ay dadkan ka daad-gureyso xarunta, kuwaas oo ay geyneyso meelo aan la ogayn.

Xuseen, oo qaxootiga Soomaalida kamid ah, ayaa sheegaya in badi xubnaha ay hay’addu qaadey u dhasheen Eritrea kadib dedaalo ay sameeyeen mas'uuliyiinta iyo diblumaasiyiinta dalkaas.

"Soomaalida shan oo kaliya ayaa laga wadaa," ayuu u sheegay VOA-da. "Haatan waxay bilowday in ay labaatan labaatan u kaxeyso Soomaalida, iyadda oo aan la ogayn halka la geynayo".

Walaaca iyo cabsida ugu badan ee haysata ayuu ku qeexay in lagu dhex-deeyo gudaha magaaladda taas oo keeni kareysa in ay u gacan-galaan magafeyaal jirdil u geysanaya hadii aysan lacag bixin.

Xukuumadda federaalka ah ayuu ku dhaliilay in ay ka gaabisay in ay u dooda xuquuqdooda. Isaga oo codsi u diraya ayuu cod dheer ku dalbaday in wax laga qabto xaaladooda.

"Magaaladda khatarteeda ayaa badan…xaruntan waxaan ku imaanay lugteena…waxaan u diidnay gaariga in nala geeyo saldhig kale…dadkan qof walba 50-kun oo Doollar ayaa laga dhacay," ayuu ku daray.

Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli ayaa xiran muddo shan bilood ah. Hay'adda IMF ayaana kaliya qaada qaxootiga marka safaaradda codsi u gudbiso ama siiso muhaajiriinta ogolaanshiyo ay ku noqdaan.

Qaxootiga xaruntan ku jira ee ay Soomaalida kamid yihiin ayaa qorsheynaya in Axadda, 27-ka October 2019-ka, ay dhigaan mudaaharaad balaaran ay ku dalbanayaan in xaaladooda wax laga qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM