Villa Somalia iyo aqoonyahan Kenyan ah oo hadalo kulul is-dhaafsadey

Image

NAIROBI, Kenya – Villa Soomaaliya iyo aqoonyahan Kenyan ah ayaa baraha bulshadda isku dhaaf-sadey hadalo kulul kadib weerarkii Sabtidii ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo dilay 90, boqolaal-kana ay la-il-daran yihiin.

Prof Makau Mutua, oo ah hormuud ka tirsan SUNNY' Buffalo Law School, ayaa Axadii ka falceliyay qaraxaas is-miidaaminta ah.

Isagoo cuskanaya weeraradda argagixiso ee soo badanaya, Baraha ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku milmi karto wadamada deriska ah kuna sifeeyay qaran uu colaad daashadey.

Matua ayaa Twitter-ka ku soo qoray: "ALLE dartii, Soomaaliya waxay ku jirtaa soo kabasho. Ku hoos-jirka qabiilka waxay gaartay raadka ugu sareeya".

Kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii, Soomaaliya ayaanan la hayn dowlad shaqeyneysa, waxaana maamuladii soo maray lagu saleeyay dhismahooda nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.

Aqoonyahan Mutua, oo horey uga dhawaajiyey hadalo uu ku durayo qarankiisa Kenya, ayaa ku waaniyey wadamada gobolka in ay Soomaaliya u aqoonsadaan "nabad-sookoreysa".

"Aan wajahno xaqiiqadda – dowladaha deriska waxay u baahan yihiin in ay ku milmaan waxa loogu yeero Soomaaliya, ayna arrintaas ka qeyb-qaataan dhamaan dhinacyadda aduunka," ayuu ku daray.

Nasiib darro

Balse hadaladiisa waxaa si adag uga hor-timid Villa Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed, wuxuu hadaladaas ku qeexay "kuwa nasiib darro ah".

"Cagteyda ku milan! Aad ayey nasiib darro u tahay in aqoonyahan maqaamkaaga leh uu ku farxo musiibo ku habsatay qaran deriskaaga ah," ayuu Cabdinuur kaga jawaabay hadalka kasoo yeeray Mutua.

Dib u soo kabashadda Soomaaliya ayaa qaadatay saddex qarni, waxaana mudadaas si gaar ah isha ugu haysa Beesha Caalamka.

Cabdinuur ayaa aaminsan in Soomaaliya ay muddo kooban ku sameysay guulo waaweyn "waxayna u sii socon doontaa horey, iyaddoo aan dheg-jalaq loosiin calooshood-u-shaqeysteyaasha nasiibka daran".

Sooyaal

Qaraxii Ex-kontarool ayaa ahaa midkii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda. Dowladda oo sheegtay in dadka dhintey badankoodu arday yihiin waxay xustay in dhaawacyada daran dibada loo qaadayo.

Prof Mutua, oo bartay Qaanuunka, ayaanan faalo ka bixin arrimaha argagixisadda tan iyo markii uu Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ku eedeeyay dambiyo bini'aadanimo uguna baaqay in ay is-casilaan.

Sanadkii 2016-kii, waxa uu araaji u qortay xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Kenya, balse waxaa laga saarey liiska qorista murashaxiinta.

Soomaaliya ayaa bisha December ee 2020-ka galeysa doorashooyin xasaasi ah, taasoo qeexi doonta mustaqbalka fog. Beesha Caalamka waxay mar sii horeysay aqoonsatay diyaar-garowga illaa iyo haatan ay wado xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM