Villa Soomaaliya oo dabcisay siyaasadeeda ku wajahan mucaaradka
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda ayaa ugu yaraan hal taako hoos kaga soo degtay luuqada adag ee ay ku wajaheyso mucaaradka kadib markii cirka isku sii shareeray cadaadiska ka dhanka ah dowladda.
Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo saameyn ku leh dowladda madaxweyne Farmaajo, ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wadday kulamo lagu qaboojinayo xiisadda kacsan.
Fahad, kaliya lama kulmayo siyaasiyiinta, waxaan dhowaan uu la fariistay wariyeyaasha madaxa banaan oo uu ka dalbaday in aysan tabin wararka xubnaha ka aragtida duwan xukuumada federaalka.
Kooxaha u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa codsigaas ku qeexay "caburin iyo xadgudub ka dhan ah xorriyadda hadalka".
Shir kale oo uu la qaatay xubno kamid ah xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa jira, kaas oo looga xaajoodey taageerida qorshaha xukuumadda ee Galmudug.
Kulankii u dambeeyay, Shariif Sheekh Axmed ayuu la qaatay. Is-aragga oo ka qabsoomay hoyga madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa ka horeeyay wada hadal telefoonka ah.
Sidda ay qortay warbaahinta, Shariif ayaa iska diidey codsi kaga yimid Farmaajo kaasoo ahaa in ay wada hadalo yeeshaan.
Mudadii uu socday shirka, waxaa lagu lafaguray dhacdooyinkii u dambeeyay ee mucaaradka kala kulmay dowladda, qaabkii loo xalin lahaa iyo tabashadooda. Ma jiro go’aan ay isla qaateen.
Dhacdooyinka waxaa ugu weynaa "is hortaaga" safaradii Beledwayne iyo Kismaayo si lamid ah dacwadii laga gudbiyey dowlada ee Maxkamadda Sarre ay bilaabeyso dhageysigeeda.
Illo wareedyo labada dhinac ka akdhowaa ayaa ku sifeeyay kulanka "xiisad dejin". "Mustaqbalka in ay dhacaan kulamo kale waa suurtogal," ayay raaciyeen xubnaha labada daraf xiriirka la leh.
Shariif ayaa haatan ah hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, oo dowladda ku dacweeyay is-hortaagii safarkooda Kismaayo, iyo gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen lix xisbi.
Wada xaajoodka Fahad iyo Shariif ayaa kusoo hagaagaya ka gedaal markii Shariif ku goodiyey hadii aysan dowladdu joojin "dulmiga" ay ka saarayaan Muqdisho.
Haladan ayuu yiri kadib safarkoodii "la carqaladeeyay ee Beledwayne" kaasoo ay gargaar ku gaarsiinayaan shacabka fatahaaduhu saameeyeen.
Dabacsanaanta xukuumadda ee ku aadan siyaasadeeda mucaaradka ayaa imaanaysa xili uu shaki ku jiro qabsoomida doorashadda 2020/21 taas oo xisbiyada iyo maamulada dalbanayaan in la caddeeyo.
Kulankii u dambeeyay ayaa kusoo aadaya xili lagu waramayo in uu socdo abaabulka banaanbaxyo waaweyn iyo qorsheyaal ka dhan ah dowladda.
Doorashadda ayaa la filayaa in ay noqoto qof iyo cod. Hase ahaatee, fashil ku yimid qorsheyaashii lagu gaari lahaa oo ay kamid tahay amniga, xorreynta gobolada iyo sharciga doorashooyinka oo aan wali diyaar ahayn.
GAROWE ONLINE