Villa Soomaaliya oo "hormuud u ah" dabindaabinta doorashada

Image
Su'aallo badan ayaa hareeyay qaabka ay ku bilaabatay xulista xubnaha Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa wali hormuud u ah olole ballaaran oo lagu dabin-daabinayo geedi-socodka doorashooyinka heer federaal, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Daahir Maxamuud Geelle, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka DanQaran oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in coddeynta ay noqoto mid hufan.

Geelle, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga iyo wasiirkii hore ee warfaafinta, ayaa hadalkan sheegay kadib markii shalay uu hoygiisa Muqdisho ku booqdey Maxamed Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa todobaadkii hore waxaa laga soo celiyey magaalada Baydhabo kadib markii loo diidey in uu u tartamo xubinimadda Aqalka Hoose. Geelle wuxuu talaabadaas la xiriiriyey Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka

Galabta waxaan booqasho sharafeed ugu tagay Guddoomiyihi Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan , oo ah xeeldheere siyaasadeed iyo aqoonyahan Soomaaliyeed.

Booqashadaydu ma ahayn middii ugu horraysay ee aan ugu tago, mar kasta oo aan jeclaysto in aan isbadbadallada siyaasadeed aqoon, caqli iyo waaya-aragnimo aan ka kororsado ayaan isaga u tagaa.

Laakin, booqashadayda galabta waxay ku saabsanayd in aan wax ka ogaado xaaladihi ugu danbeeyay ee ka soo qabsaday hannaan doorashadeedkan gurracan iyo safarki uu Baydhabo ku tagay, waxaana iisoo baxday labo arrimood oo waawayn:

1) Doorashooyinka in ay ku socdaan hannaan baalmarsan dastuurka, sharciga, qaanuunka iyo sooyaalka suubban ee ay Soomaalida leedahay. Wax la xurmaynaayo oo diin, akhlaaq, mudnaan, ama waayeelnimo ah in aysan jirin!

2) In Villa Somalia ay wali hormuud ka tahay dabindaabyada, iyo duminta hannaanka dimuqraadiyadda, ayna masuul ka tahay hagardaamada Maxamed Sheekh Cusmaan loogu diiday xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee ah in uu xilalka guud ee dalka isu soo sharraxo, oo loo doorto ama wax u doorto.


Musharaxiinta madaxtinimadda ayaa ah darafka ugu badan ee walaaca ka muujiyey doorashooyinka gaar ahaan qaabka loosoo xulayo mudaneyaasha Golaha Shacabka kuna hanjabay dhismaha dowlad cusub haddii isbedel imaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM