Villa Soomaaliya oo ka warbixisay wada-hadalka Farmaajo iyo Afwerki

Image

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki, waxayna labada Madaxweyne salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas.

Madaxweyna Farmaajo oo casuumaad rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah ku joogaya Asmara ayaa wada-hadallada uu la leeyahay Madaxweyne Afwerki ay ku lafa-guri doonaan sidii loo dardargelin lahaa dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii 2018-kii.

Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka.

Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM