Waa kuma ninka Afarta wariye ku dhex dilay Radio Muqdisho ee Muqdisho lagu xiray?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay soo xirtay oo ay dalka kusoo celisay Sufyaan Axmed Taakeeye oo warbaahinta ka taageeray kooxaha Argagixiso.

Taakeeye ayaa wariyayaashii hore ee Radio Muqdisho waxaa ay qireen in uu 1991 uu gudaha Radio Muqdisho ku dilay 4 wariye oo iyagu kasoo jeeday gobalada waqooyi bari gaar ahaan Galkacyo dhanka Puntland.

Intaas kadib Sufyaan waxaa uu u baxsaday dibada isaga oo haysta dhalashada Maraykanka.

Arinta LAyaabka leh ayaa ah in ninkaan uu kusoo caan-baxay isaga oo geesaha iska dhigay afar haween ah oo uu sheegay in ay xaasaskiisa yihiin.

Bulshada ayaa indhaha ku haysa furida kiiska Taakeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM