Soomaliya: ​Waare iyo Xaaf oo ka dagay Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Soomaaliya- Madaxda maamullada HirShabeelle  Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa hadda ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, halkaasoo la filayo inuu ka furmo shir looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee waddanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo dhigiisa Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka oo aad loo soo camiray iyadoo ay ku suganyihiin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxdan ayaa loo gudbiyay qaybta Nasashada xilli la filayo inuu goordhow soo gaaro Kismayo Madaxweynaha maamul Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Kulanka aya la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Kismaayo iyadoo looga arrinsanayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee waddanka ka jira.

Gogoshan oo ku baaqay Axmed Madoobe waxaa cago jiid ka muujiyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ku baaqday in dib loo dhigo.

Goor sii horaysay Madaxda Jubbaland ayaa sheegtay inaysan baajin doonin kulankan, iyadoo intaas ku dartay in maamulladu ka hadli doonaan wada-shaqayntooda iyo maslaxadda dalka.

Waa kulankii ugu horeeyay ee khaas u ah madaxda maamullada Soomaaliya tan iyo markii 08 Febraayo la doortay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay wajahay cadaadis iyo khilaafyo siyaasadeed gaar ahaan mucaaradad uga imaanaysay maamullada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM