Waare oo isku shaandheyn ku sameeyay wasiirada HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha HirShabelle oo isku shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda ayaa wuxuu magacaabay afar kamid ah xukuumadda maamulka Jowhar.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili uu maanta dib ugu laabtay Jowhar, oo ah magaala madaxda dowlad goboleedkaas. Bilihii ugu dambeeyay Muqdisho ayuu ku sugnaa.

Wasiiradda uu magacaabay ayaa kala ah; Amniga, Warfaafinta, Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta si lamid ah Wasiiru dowlaha Qorsheynta, sidda ku cad wareegto uu soo saarey.

HirShabelle ayaa kamid ah maamuladda xiriirka dhow la leh dowladda madaxweyne Farmaajo, siyaasad ahaan.

Mudada uu xafiiska joogey maamulka Waare ayaa waxaa lagu dhaliilaa in uusan HirShabelle kusoo kordhin wax qabad muuqda, amniga waa meelaha uu walaac ka jiro.

Wasiiradda ayaa ah kuwa kaliya oo la magacaabo, ma laha qaarkood xafiisyo ay ku shaqeeyaan. Sababaha uu Waare wax badan ugu negaan Jowhar waxaa qayb ka ah amni darro.

Degaano kamid ah maamul goboleedkaan ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab, oo dilal qorsheysan ka fulisa isla gudaha caasimadda.

Hoos ka akhriso digreetadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM