Xasan Sheekh iyo Waare oo "hadalo kulul isku dhaaf-sadey telefoonka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, oo sharaxaad ka bixiyey dhacdooyinkii madaarada Muqdisho iyo Beledwayne, ayaa si aan gabasho lahayn wuxuu u difaacay Villa Soomaaliya.

Dhacdooyinkii ayaa waxaa ku lug-yeeshay wafdi ay la socdeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo gargaar u siday magaaladda Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan, ee bartamaha Soomaaliya.

Xubno kamid ah wafdiga ayaa tilmaamay in saacado "lagu xanibay" garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan iyaga oo aan sabab loo sheegin.

Xayiraadda ayaa timid markii Waare uu khadka telefoonka kula soo hadlay Xasan Sheekh "una sheegay in aysan duulimaad ku tegi karin Beledwayne sababo ku aadan garoonka oo 600 KM kamida ay biyo fadhiyaan".

"Runtii aad ayaan uga xumahay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si kulul iigu yiri 'adiga madaxweynaa tahay maxaa kaa galay arrimaha duulimaadka', Waana runtii aniga kuma mashquulo badanaa," ayuu yiri.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa hadda ku sugan magaaladda Muqdisho, balse waxaa lagu wadaa in uu berrri u socdaalo Beledwayne. Wafdiga waxaa soo dhaweeyay ku xigeenkiisa, Cali Guudlaawe.

"Waxaan iri madaxweynow waa runtaa, laakiin maanta oo kale maahan. Maanta wixii ka dhacay meeshaas mas'uuliyadeeda anigey i fuushaa, annaa go'aankaas qaatay, bal aan sugno illaa iyo shan saac ama lix saac".

Waare oo si adag u hadlaya ayaa wuxuu "been abuur iyo warar aan waxba ka jirin" ku qeexay sheegashooyinka ku aadan "in la xayiray".

"Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdiga ka socda gurmadey u socdeen, degaankoodii ayey u socdeen, karaamo ayey nagu leeyihiin, sabab aan u hor istaagno ama u diidno ma jirto".

Dhinaca kale, illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ku aadan arrimahaan iyo sheegashadda Waare ee ku aadan in uu telefoonka kula hadlay Xasan Sheekh oo kasoo baxay dhanka wafdiga.

Baaritaan

Shirkadda iska leh diyaaradda oo uu ku eedeeyay "in ay u dhaqantay qaab aan xirfadeysneyn" ayuu Waare cod dheer daboolka ka qaaday in ay baaritaan ku sameyn doono, kadibna ay talaabo ka qaadi doonan.

"Waxaan si gaar ah uga xumahay shirkadda iska leh diyaaradda oo mar walba lahayd wafdiga annagaa 'khatarta qaadaneyna annagaa khatarta qaadaneyna' go’aanka diyaaradu ku dageyso malahan duuliyaha," ayuu xusay.

Hogaamiyaha maamulka fadhigiisu yahay Jowhar ayaa ku daray: "Shirkadaas waxay ku xadgudubtay anshaxa iyo xirfadda duulimaadyadda. Waqtigeeda ayaana kala xaali doonaa. Walwal badan ayey na gelisay".

Inkasta oo mas'uuliyiinta la socotay diyaaradda sheegeen in laga daysaday qalabka isgaarsiinta madaarka Beledwayne, Waare ayaa dhankiisa ku dhaliilay duuliyeyaasha in aysan ka jawaabin codsiyo loo diray.

"Waxaa kaloo noola sheegay in diyaaradda dhowr jeer isku dayday in ay ka degto garoonka, dhaaftay, kusoo noqotay. Runtii khatarta intaas la eg, tahlookada intaas la eg shirkadaas ayaa qaadatay, waana kala xisaabtami doonaa".

Iyadda oo uu Waare dusha saartay mas'uuliyadda dib u dhaca saacadaha ee socdaalka wafdiga ku yimid, haddana waxaa ay arrintaan kusooa aadeysaa xili xiisadda siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka ay meel sarre tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM