Waare oo madaxda DF u diray digniin ku aadan doorashada soo aadan

Image

JOWHAR, HirShabelle – Maamul goboleedka HirShabelle ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey doorashooyinka dalka kusoo fool leh sanadka dambe.

Bayaankan uu ku saxiixan yahay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo jeediyey in doorashooyinka ay waqtigooda ku qabsoomaan.

Warka qoraalka ah ayaa looga digay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamuladda in ay sameystaan muddo kororsi.

Sharci doorashooyinka ayuu maamulka Waare ku taliyey in uu noqdo mid waafaqsan Dastuurka qabyadda ah ee dalku leeyahay.

Ugu dambeyntii, qoraalka ayaa waxaa looga digay go'aano uga sii daraya xaaladda "jilicsan ee [Soomaaliya] ay haatan ku sugan tahay".

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka dambe ayuu qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, wallow ay jiraan aragtiyo meesha ka saaraya arrintaas.

Hadalka maamulka Waare ayaa imaanaya xili uu maanta la kulmay ergayga Qaramada Midoobay, James Swan, oo ay kawada hadleen doorashooyinka.

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM