Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dib u dhacay

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa dib u dhac uu ku yimid Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna oo la filayay inuu maanta oo Arbaco ah ka furmo magaalada Muqdishu, ee caasumada dalka Somalia.

Wararka warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in sababta keentay dib u dhaca ay la xiriirto Madaxda dowladda Federaalka oo ku mashquulsanaa xuska sanad-guurada 57-aad, ee aas-aaska ciidamada xoogga.

Waxaa kaloo baaqashada loo sababeynayaa wafdiga Ahlu Sunna uga qeybgalayo Wada-hadalka oo aan wali soo gaarin Muqdishu, balse la filayo inay yimaadaan caasumadda saacadaha soo socda.

Shirka ayaa la qorsheynayaa inuu furmo maalinta Berri ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey iyo Guddoomiyaha Barkamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir ayaa ku sugan Muqdishu, waxayna heshiis la geli doonaan ururka Ahlu Sunna.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka shaqeynaysa sidii ay heshiis u gaari lahaayeen Ahlu Sunna iyo Galmudug kahor doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay ka dhacdo Cadaado 30-ka bishan April.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM