​Waddooyinka Muqdishu oo dib loo furay

Image

MUQDISHU, Somalia- Isu-socodka dadweynaha iyo gaadiidka ayaa si caadi ah kusoo noqotay kadib dhowr maalmood oo ay saarnayd xanibaad ku aadanayd doorashada Madaxweynaha ee shalay dhacday.

Shacabka Muqdishu ayaa bandowgaas xalay jabiyay kadib markii ay waddooyinka isugu soo baxeen iyagoo dhigayay mudaharaadyo lagu taageerayo Farmaajo oo noqday Madaxweynaha Somalia.

Magaalada ayaa saaka ganacsigeedu kusoo noqday sidii hore iyadoo sidoo kale ay shaqaynayaan gaadiidka isaga kala dhex-goosha caasumadda Somalia.

Furitaanka waddooyinkan kama hadlin maamulka gobolka Banaadir oo horay usoo rogay in la xayiro.

Balse Guddoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bulshada uga cudur-daaray xanibaadii la saaray, wuxuuna ugu laab-qaboojiyay in laga shaqaynayay sidii dalka loogu doori lahaa Madaxweyne Rasmi ah.

Todobaadkan dhexdiisa ayaa la xiray waddooyinka magaalada Muqdishu iyadoo laga cabsi qabay weeraro kooxda Al Shabaab fuliso inta lagu jiro doorashada.

Dowladda hoose ee magaalada Muqdishu ayaa ku howlan sidii ay furi lahayd goobo lagu gooyay ciid iyo dhagxaan waddooyinka caasumadda Somalia.

Hadal haynta ugu badan ee caasumadda dalka ayaa saaka ah doorashada Madaxweyne Farmaajo taasoo aad loogasoo dhaweeyay dhammaan gobollada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM