Waddooyinka Magaalada Muqdishu oo loo xirayo Caleemo-saarka Madaxweynaha

Image

MUQDISHU, Somalia- Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in waddooyinka Muqdishu loo xirayo caleema-saarka Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo, oo lagu wado inay dhacdo Maalinta Berri ah.

Ismaaciil Cabdi Guure, oo ah ku-xigeenka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaciyay go'aanka lagu xirayo waddooyinka caasumadda, isagoo xusay in amarkaasi uu dhaqan-galayo maanta oo Talaado ah.

Wasaaradda duulista hawada xukuumadii uu waqtigeedu dhammaaday ayaa sheegay Todobaadkii tagey in la hakin doono maalinta Arbacada ah, dhammaan duulimaadka Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Xafladda Caleema-saarka Mr Farmaajo ayaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan Madax sare, oo ka socoto caalamka iyoo Geeska Africa, kuwaasi oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti.

Si kastaba, dadka shacabka ah ayaa aad uga walaacsan  xirnaanshaha waddooyinka, oo saamayn ku yeelan doonto Waxbarashada, Ganacsiga iyo isku-socodkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in lagu caleema-saaro Hoolkii lagu doortay ee xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni February 8-dii, waxaana la filayaa inay munaasabada billaabato 11:00 am xilliga geeska Africa maalinta Arbacada ee 22 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM