​Wafdi ka socda dowlada Somalia oo ku wajahan Tuulada Bariire

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudi Wasiirro ah, oo dowladda Federaalka u xilsaartey dhawaan inay baaritaan ku sameeyaan weerarkii Jimcihii ka dhacay Bariire, ayaa la filayaa in maanta ay tagaan deegaankaasi.

Wafdigan oo uu hogaaminaya Wasiirka Amniga Xukuumadda, Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), ayaa usoo guur-gelii doono qaabkii uu ku dhacay weerarka, iyagoo wareysiyo la sameyn doono goobjoogiyaal.

Safarka Gudiga xaqiiqa-raadinta ee loo diray Bariire, waxaa ku wehliya Ehelada 10-kii qof ee ku dhintay weerarka, kuwaasi oo maalmii dambe ku sugnaa Muqdishu, halkaasi oo kulamo ay ku qaadanayeen Madaxda dowladda Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirada ku jira Guddiga dowladda, ay xalay Muqdishu kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee dadka la dilay, waxayna ka codsadeen inay u raacaan Degaanka Bariire.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in 6 kamid ah Dadka lagu dilay weerarkii Bariire ay u dhasheen Beesha Habargidir, oo kuwaasi oo Waardiyaal ka ahaa Beerta ay ciidamada huwanta weerareen.

Si kastaba, Labo maalin oo kaliya ayaa Guddiga u hartay waqtigii shanta maalmood, ee loo qabtey in ay jawaab  ka keeneen dadkan la dilay waxay ahaayeen (Shabaab iyo Shacab).

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM