​Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaare Khayre oo gaaray Addis Ababa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaaraha Dalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa goordhaweyda gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia iyagoo ka qayb galaya shirka Madaxda IGAD ka yeelanayaa xaaladda Suudaan-ta Koonfureed.

Soo dhaweyn diiran ayaa loogu sameeyay garoonka caalamiga ah ee Bole International Air Port, halkaasoo ay ku qaabileen xubno katirsan dowladda.

Todobaadkii hore ayaa Guddoomiyaha urur goboleedka IGAD  Hailemariam Desalegn ku baaqay shir aan caadi ahayn oo xal loogu raadinayo cooladda South Sudan iyo xaaladda Bini Aadanimo ee ka jira waddankaas.

Booqashada Khayre ayaa kusoo aaday xilli xaalad adag ay ka jirto waddanka Somalia gaar ahaan saamaynta xasaradda siyaasadeed ee dalalka Khaliijka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa uu la kulmi doona Madaxda IGAD ee shirka ka qeyb gali doonta.

Khayre ayaa la filayaa inuu wadamadaas kala hadlo xaaladda waddanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM