Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Juxa oo Cadaado gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug.

Mas’uuliyiintan ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran oo la filayo in maalinta barri ah soo gaaray Cadaado kaasoo uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo si ay uga qayb galaan Caleemo Saarka Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas iyo xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa kusoo dhaweeyay wafdigan magaalada Cadaado.

Kulan ayay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada iyadoo la filayo inay kawada hadlaan qaban qaabada caleemo saarka iyo xaaladda guud ee Galmudug.

Maaha markii ugu horaysay Wasiir Juxa uu tago magaalada Cadaado, balse dhawaan wuxuu booqday isagoo raadinaya in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM