Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga gaaray

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba-baxay dalka Sacuudiga gaar magaalada Riyaad. 

Safarka waxaa mudane Farmaajo ku wehelinaya qaar kamid ah wasiirrada waqtigoodu dhammaaday, Xildhibaano iyo taliyaha ciidanka Booliiska dalka. 

Waxay goor-dhaweyd ka dageen xarunta Boqortooyada dalka Sacuudiga, iyagoo la kulmi dooona Boqor Salmaanka dalkaas oo casuumaad u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia. 

Madaxda labada dal ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid ah tahay, abaaraha, nabad-galyada iyo kor u qaadista xiriirka labada waddan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu tago Xaramka si uu ugu soo Cumraysto islamarkaana shacabka Somaliyeed ugu soo duceeyo. 

"Waxaan si nabad ah ku tagnay Sacuudiga gaar ahaan magaalada Riyaad, waxaan kulamo kaladuwan la qaadan doonaa mas'uuliyiin sar sare oo katirsan Boqortooyada Sacuudiga,"Sidaas waxaa GO u sheegay ruux kamid ah wafdiga Madaxweynaha Somalia. 

Waa safarkii ugu horeeyay Madaxweyne Farmaajo dalka uga baxo tan iyo markii la doortay horraantii bishan.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM