​Wakiilka QM ee Somalia oo ka hadlay hishiiska Galmudug iyo Puntland

Image

MUQDISHU, Somalia- Ergayg gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa soo dhaweeyay Wadahadalka Nabada ee Madaxda Galmudug iyo Puntland ku yeesheen magaalada Cadado, 29 May 2017.

“Wadahadalka ku dhexmarey Cabdiweli Gaas iyo Xaaf magaalada Cadaado waa kuwa muhiim ah, oo billow u noqon kara xalka Colaadda kala qeybsanaanta ka taagan Gaalkacyo,” Ayuu yiri Michael Keating.

Keating ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug inay ka shaqeeyaan dhameynta Khilaafka jira, sidoo kalena ka digtoonaadaan fashil ku yimaada Wadahadallada cusub.

QM ayaa sidoo kale bogaadisay balanqaadka Gaas iyo Xaaf ee ahaa inay isku furaan wadooyinka Gaalkacyo, iyo dhisamaha Gudiga Isku-dhafka ah ee ka shaqeyn doono Nabada magaaladaasi.

QM iyo Saaxiibada Somalia ayaa sheegay inay diyaar u yihiin taageerida Heshiiska Galmudug iyo Puntland, islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan hergelinta qodobada heshiiska Nabada Mudug.

Lama oga waxa uu ka bedelnaan doono Heshiiskan cusub ee Gaas iyo Xaaf kuwii horey loogu gaarey Gaalkacyo, kuwaasi oo dhamaantooda waxba ka hergelin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM