Xilliga la dooranayo hogaanka cusub Galmudug oo la muddeeyay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashadda baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah soo saarey jadwalka doorashadda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Sidda ku xusan warqadda, 22-23 waxaa la qaban doonaa araajida murashaxiinta. 26-27 Janaayo, 2020, baarlamaanka ayaa dhageysan doona hadal-jeedinta murashaxiinta.

Doorashadda madaxweynaha ayaa loo muddeeyay in ay qabsoonto 30-ka bisha Janaayo, sanadkan 2020. Isla maalintaas waxaa la dooranayaan ku xigeenka, sidda ku cad jadwalka.

Shaacintaan ayaa imaaneysa xili gudiga doorashada uu maanta doortay gudoon iyadoo uu khilaaf jiro. Ismaandhaafka oo quseeya hogaanka guddiga wuxuu u dhaxeeyaa Ahlu Suna iyo dowlada.

Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay dalbatay in xubin ka tirsan uu noqdo guddoomiyaha guddiga, hase ahaatee, waxaa lagu waramayaa in ay xukuumadda kasoo horjeesatay.

Xubnaha Ahlu Sunna ku metela Golaha Wakiilada ayaa doorashada gudoonka cusub ku tilmaamay "afduub ay Villa Soomaaliya ku sameysay geedi u socodka codeynta hogaanka Galmudug".

Hoos ka akhriso jadwalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Oo Muqdisho Ka Bilaabay Kulamo Looga Soo Horjeedo Nidaamka Doorashada 2026

Kulamadaasi ayaa lagu wadaa inay noqdaan hordhac shir weynaha mucaaradka oo dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2025

  • 12:32PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM