​Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga Barlamanka Federalka Somaliya oo la shaaciyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ka hadlay waqtiga la qorshaynayo inuu furmo kalfadhiga Xildhibaanada si looga hadlo ajandayaasha horyaala fadhigan.

Xoghayaha Guud ee aqalka hoose Cabdikariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee 9-ka bishan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Somalia.

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka,” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Guddiyada joogtada ah ee Xildhibaanada ayuu xoghayuhu sheegay inay soo xaadiraan kulanka Khamiista ee soo socota si looga hadlo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ku maqan fasax ay galeen 15-kii August 2017.

Qorshaha ayaa ahaa inay soo laabtaan 6-da September oo berri ku beegan, balse Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in fasaxa la kordhiyay oo la gaarsiiyay ilaa 9 September.

GAROWEONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM