War-murtiyeed laga soo saarey shirka 6aad ee Golaha Wadatashiga

Image
Hogaamiyaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen Deni ayaa mar kale ka maqnaa wadahadaladan.

MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeed ayaa laga soo saarey shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Uqdisho intii u dhaxeysay 24-27 May, 2023.

Shirkan uu guddoomiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiradda lagu saarey arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka, deyn-cafinta iyo fulinta heshiisyaddii hore.

Hogaamiyaha Puntland ee muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii labaad oo xiriir ah ka maqnaa kulankan sababo uusan wali fahfaahin rasmi ah ka bixin.

War-murtiyeedka ayaa lagu caddeeyay in madaxda ay isku-raaceen heshiis mideysan oo ku wajahan doorashooyinka mideysan, dardargelinta hanaanka deyn-cafinta iyo in xukuumadda ay fuliso heshiisyadii hore.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA

May be an illustration of ticket stub and text

May be an image of ticket stub and text

May be an image of ticket stub and text

May be an illustration of ticket stub and text

May be an illustration of blueprint, ticket stub and text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM