​Wararkii ugu dambeeyay Weerarka Hotelka Posh iyo Khasaaro

Image

MUQDISHU, Somalia - Weerar xooggan ayaa caawa lagu qaadey Hotel lagu magacaabo Posh, oo ku yaalla magaalada Muqdishu, waxaana ka dhashay Khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa marka hore ku bilowday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof naftiis hure ah, kaasi oo isku qarxiyay afaafka Hotel-ka, xilli ay ku sugnaayeen dad badan oo afurayay.

Qaraxa Gaari kadib kooxo hubeysan ayaa gudaha u galay hotel-ka, waxaana gudaha ku dileen dad shacab ah, iyadoo kuwa kale ay ka badbaadiyeen Ciidamada amaanka oo si dhaqso ah Goobta ku gaarey.

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhinteen, tiro intaasi ka badan way ku dhaawacmeen Qaraxa hore, oo haleelay dad sii galayey Hotel-ka Posh iyo mid kasoo horjeeda oo Pizza house lagu magacaabo.

Labada Goobood waxay ku yaallaan inta u dhaxaysa Isgoysyada Zoobe iyo Banaadir, waxaana inta badan taga Mas'uuliyiin iyo Shaqaale katirsan dowladda Federaalka Somalia, iyo sidoo kale qurbajoogta.

Ciidamada NISA ayaa galay dhismaha, waxayna kasoo badbaadiyeen Dad shacab ah oo ay ku jiraan Shaqaalaha Hotel-ka Posh, kuwaasi oo ay ku jiraan muwaadiniin kasoo jeeda Kenya iyo Ethiopia.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay inay dileen Dagaalyahanadii galay Hotel-ka oo gaaraya afar kuwaasi oo markii uu qaraxa dhacay kadib gudaha u galay, kadibna rasaas ku furey shacabka.

Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyay weerarka, oo uu ku tilmaamay mid arxan darro ah oo lala bartilmaameesaday shacab aan waxba galabsan, oo afurayay.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka, oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo magaalada Muqdishu ka fuliyaan tan iyo markii ay dhalatay Bisha Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM